Health Encyclopedia
A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U V W X Y Z A-Z Listings

Booqashada caafimaadka, Dadka ka wayn 65: Tilmaamaha Daryeelka

Well Visit, Over 65: Care Instructions

Booqashooyinka wanaagsan waxay kaa caawin karaan inaad caafimaad ku joogto. Dhakhtarkaagu wuxuu baaray caafimaadkaaga guud ahaan lagana yaabee inuu soo jeediyo qaabab aad si wanaagsan ugu daryeeli kartid naftaada. Dhaqtarkaaga sidoo kale waxaa laga yaabaa inuu kugula taliyay baaritaano. Waxaad xanuunada oga hortagi kartaa cunista cunto caafimaad leh, hurdo wanaagsan, tallaalo, jimicsi joogto ah, iyo tallaabooyin kale.

../images/9d1db3232b34bde364f129c203d7afc0.jpg

Samee baaritaanada adiga iyo dhakhtarkaagu go'aansataan. Iyadoo ku xiran da'daada iyo khatarahaaga, tusaalooyinka waxaa ku jiri kara baaritaanada maqalka ah iyo sidoo kale baaritaanka xiidmaha, naaska, iyo kansarka sanbabada. Baadhitaanku wuxuu ka caawiyaa ogaanshaha cudurada ka hor intaan astaamuhu muuqan.

../images/d6ff5157471dc55346d41ae9fd022906.jpg

Cun cunto caafimaad leh. Dooro inaad cunto khudaar, khudrad, sareen, borotiinta hilibka cad, caanaha leh dufanka hoose. Yaree dufanka aan wanaagsanayn, oo yaree cusbada.

../images/bdc2b05a72443ec6ef457bea0f26f323.jpg

Yaree khamrida. Ragu waa inaysan cabin wax ka badan 2 koob oo khamri ah maalintii. Dumarku waa inayan cabin wax ka badan 1 koob. Qaar kamid ah dadka, inaysan cabin khamri ayaa ah wax ku habboon.

../images/6431c6e5533d043d22ef216a58e304c8.jpg

Jimicsi. Wuxuu kaa caawin karaa inaad dhaqdo. Samee ugu yaraan 30 daqiiqadood oo jimicsi ah inta badanka maalmaha asbuuca. Socodka, yoogada, tai chi ayaa ah dookh wanaagsan.

../images/6090eeb98272857b8d19c610b8e3af28.jpg

Gaar oo joogtee miisaanka caafimaadka leh. Arrintaan waxay hoos u dhigaysaa halista aad ugu jirto dhibaatooyin caafimaad oo badan.

../images/1dc9025d0b951f0b863fd885975456e1.jpg

Daryeel caafimaadkaaga dhimirka. Iskuday inaad ku xirnaato saaxiibadaa, qoyskaaga, iyo bulshada, iyo inaad hesho waxyaabaha lagu xakameeyo walaaca.

../images/8acb377ff5ae293f39645e5727872551.jpg

Haddii aad dareemeyso niyad jab ama rajo la'aan, la hadal qof kale. La-taliye ayaa ku caawin kara. Haddii aadan haysan la-taliye, kala hadal dhakhtarkaaga.

../images/f345c39e6719fac95d2d73b9f9b8779c.jpg

La hadal dhakhtarkaaga hadii aad isleedahay waxaad qabi kartaa dhibaato la xariira khamriga ama isticmaalka daroogada. Arrintaan waxaa kujira qoraalka daawooyinka iyo daawooyinka mamnuuca ah.

../images/9ee249ed7a301f1c23968c5e129c607e.jpg

Iska ilaali tubaakada iyo nikotiinka: Ha cabin sigaar, shiishad, ama hana ruugin. Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo joojinta tubaakada, la hadal dhakhtarkaaga.

../images/abb83e19a8d775c3978dad12fc08ebb7.jpg

Samee galmo ammaan ah. Baaritaanka, isticmaalka cinjirka galmada ama bacda ilkaha la gashto, iyo yareynta lammaanayaasha galmada waxay kaa caawin karaan ka hortagga cudurada STIs.

../images/9be02594a7f6e2c7994ade0ae754c1ff.jpg

Samee dardaaran hore. Tani waa hab sharci ah oo aad ugu sheegi karto qoyskaaga iyo dhakhtarkaaga waxa aad rabto in ay dhacaan dhamaadka noloshaada ama marka aadan adigu iskaa u hadli karin.

../images/fc644a86b3b947c0de5091f8265b479c.jpg

Ka hortag dhibaatooyinka aad awoodo. Ka ilaali maqaarkaaga qoraxda badan, gacmahaaga dhaq, cadey ilkahaaga laba jeer maalintii, oo xiro suunka gaariga.

Hadda laga bilaabo: Bisha Sideedaad 6, 2023

Nooca Tusmadda: 14.0

Tilmaamaha daryeelka la qaatay hoosta ruqsada xirfad yaqaankaaga daryeelka caafimaadka Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan xaalada caafimaadka ama tilmaantan, waydii had iyo heer xirfad yaqaankaaga caafimaadka. Healthwise, Incorporated waxay diiday damaanad kasta ama masuuliyada isticmaalka macluumaadkan.

© 2006-2025 Healthwise, Incorporated.
Powered by Krames by WebMD Ignite
About StayWell | Terms of Use | Privacy Policy | Disclaimer